Naftaydaay Gacalo
Naftaydaay Gacalo
Cula Dayuub
Turjume: Maxamed-Qaamuus
I
Xuquuqda turjumaadda © Maxamed-Qaamuus 2023.
Copyright©Maxamed-Qaamuus 2023.
II
Hordhaca turjumaaga
Buugta naf-la-hadalka ah aad ayay inoogu yar yihiin soomaali ahaan
(ama ma jiraanba), ha ahaato kuwo aynu qornay ama kuwo aynu
luuqado kale ka soo turjunnayba e. Dhab ahaanna waa kaalin
bannaan, waayo buugta mawduucyadaas ka hadlaa waa kuwo ina bari
kara sida habboon ee aynu nafteenna ula sheekaysan karno, sida aynu
u dhiirrigelin karno, sida aynu ugu tilmaami karno khaladaadkeeda
innaga oo aan xaganaynin, iyo sida aynu xasillooni u abuuran lahayn
nafteennana heshiis ula noqon lahayn. Buuggan Dear Me, Afsoomaali
ahaanna aannu u bixinnay "Naftaydaay Gacalo", waa buug buuxin kara
kaalintaas; waa buug fudud, nafta ula hadlaya una hagaya sida ugu
debecsan; waa buug macaan oo aanad ku caajisaynin; aadna u
kooban. Waa buug qofka raba akhriska inuu hadda bilaabo barbilaw u
noqon kara, qofka akhriska ka caajisayna ku soo celin kara, akhristaha
sida joogtada ah wax u akhriyaana uu kaga nasan karo mawduucyada
culus ee fekerka iyo rogrosista u baahan, waana buug aad hal fadhi ku
dhamayn karto. Si kasta oo uu buug fudud oo sahlan u yahay, haddana
waa buug qofka si mug leh u dhuuxaa uu kala bixi karo casharro
nololeed, casharro aad u badan. Waa buug ku xasuusinaya
mustaqbalka quruxda badan ee ku sugaya, haddana kugu boorrinaya
inaanad ka mashquulin nimcooyinka aad hadda haysato ee hortaada
ka muuqda, iyo sida ay tahay inaad maalinkasta ugu noolaato sida ugu
quruxda badan. Waa buug qalbiga taabanaya, la sheekaysanaya, dibna
idiin wada fadhiisin doona naftaadi aad kala baaddeen, ee ay idin kala
mashquuliyeen waayaha adduun iyo isgaadhsiintan casriga ahi! Ugu
danbayn, waa buug aan ka helay, naftayda la jeclaaday, sidaas darteed
ayaan u soo turjumay oo aan idinkana idiin la jeclaaday. Ku raaxaysta
akhrsikiisa.
Maxamed-Qaamuus
III
Hordhac
Cula Dayuub
1
Dear Me
(Naftaydaay Gacalo)
2
“
3
Naftaydaay gacalo:
4
“
”
5
Naftaydaay gacalo:
Waxa aynu isugu xidhiidhsannahay si cajiib ah oo aan cidina
fahmaynin, islamarkaana fahmi doonin. hal dhinac ayaynu
nolosha uga soo wada jeednaa, ama in aynu sidaas ahaanno
ayay ahayd, laakiin mar dhexe ayaan kaa tegay:
Keligaa ayaan kaa tegay adiga oo isku dhex daadsan; waxa aan
kugu kellifay in aad dad shisheeye ah ka sugto oo ka raadsato
jacayl dhiirrigelin iyo awood. Iyada oo ay ahayd in aan anigu ku
garab istaago, oo aan ku soo dhowaysto ku amaano
islamarkaana aan kugu qaddariyo shakhsiyaddaada xariirta ah
iyo quruxda iyo milgaha aad nolosha ku soo biirinayso.
Waan ka xumahay in aad igu hungowday, waan ka xumahay in
aan ku xanuujiyay oo ku dayacay, waan ka xumahay in aanan
ku xasuusin hadh iyo habeen sida aad u tahay qof qaali ah, ee
aad u tahay qof waxkasta oo wanaagsan u qalma, una tahay
qof geesi ah naxariis badan misana awood leh oo adkaysi
badan. Iska kay cafi naftaydaay!
Sida aynu nahay ayaynu qiimo ku leennahay; mustaqbalka soo
socda waynu wada waajihi doonnaa; hadda waan ku helay,
waan is helay, marnaba gacantaada ma sii deyn doono.
Markan waxa aan ku siin doonaa mudnaanta koowaad iyo
kaalinta ugu sarraysa kaalmaha noloshayda. Waan ku ixtiraami
doonaa, waan ku karaamayn doonaa, oo ku qiimayn doonaa
welibana ku jeclaan doonaa.
Daacad baan kuu ahay markasta naftaydaay.
6
“
”
7
Naftaydaay gacalo:
Waxkasta si shakhsi ah ha u qaadan, ha na moodin in adiga
laguu dan leeyahay, cidna ha ka yeelin in ay ku liiddo oo hoos
kuu dhigto. Inta badan waxyaabaha dhacayaa adiga kuguma
saabsana, ee waa kuwo ku tacaluqa qofka kale iyo cilladihiisa
gudaha. Marka ay dadku dhaawac kuu geystaan, ka eeg
arrinta dhankooda booskoodana isdhig, iskana cafi; wax ka
baro hab-dhaqannadooda khaldan; arrintana wax dhacay oo
aan dib u noqosho lahayn ka soo qaad. Ogowna, wax waliba
in aanay ahayn sida ay u muuqdaan.
8
“
9
Naftaydaay gacalo:
10
“
”
11
Naftaydaay gacalo:
Mararka qaar Ilaahay innama siiyo wax aynu weyddiisannay, si
uu inoogu beddelo wax kale oo ka sii wanaagsan. Marar badan
ma garan karno sababta ducooyinkeenna qaar loo aqbalo
kuwo kalena loo aqbali waayo. Waxa qudha ee aan ogahay
waa in Ilaahay uu ina jecel yahay, qaddarkeennana uu inoo
jeexay isagu; marar badanna innaga oo aan xitaa fahansanayn
sida ay wax u dhici doonaan waa in aynu ku kalsoonaannaa.
Ku noolow noloshaada jacayl, oo ku kalsoonow Ilaahay si uu
kuugu hanuuniyo waddada saxda ah.
12
“
13
Naftaydaay gacalo:
Oggolow in aad isbiimayso, oggolow in aad halista u
badheedho! Khaladaad waad samayn doontaa kollayba, oo
taas la iskama ilaalin karo, laakiin khaladaadkaaga wax ka baro.
Oggolow in aad noolaato, oggolow in aad xor noqoto, waxna
ha uga walaacin ama ha iskaga deyn in aad keliya ka baqayso
guuldarrada ama in qof kuu hanweynaa uu kugu hungoobo;
qofka qudha ee ay tahay in aad farxad gelisaa waa isla
naftaada, ee raadi farxaddaas, oo hel hadafkaaga nololeed,
saaxiibbo fiicanna samayso inta aad ku jirto safarkaaga,
saaxiibbo aad wax wada qaybsataan.
Isjeclow, jeclow qofka aad tahay, dadka oo dhanna jeclow. Hel
qofka aad rabto in aad noqoto, kuna dhegganoow
waxyaabaha kaa farxiya, casharrada nolosha aad la kulantana
tixgelin weyn sii.
14
“
”
15
Naftaydaay gacalo:
In lagu diidaa waa wax xanuun badan, sidaas darteed dhib ma
leh in aad xanuun dareento, aniguna marwalba garabkaaga
ayaan ahay.
16
“
17
Naftaydaay gacalo:
Dadka qaar uma soo galaan noloshaada in ay ku jeclaadaan,
ee waxa ay ugu soo biiraan in ay kugu danaystaan! Kuuma
arkaan qof ee waxa ay kuu arkaan fursad, sidaa darteed wax
caawimo ah kuuma fidiyaan si kasta oo aad adigu u caawisid.
Jooji in aad dhinaca aad ka xigto gufayso dad iyagu dhinacoodi
kugu banneeyay!
Waan ogahay in aad moodayso garab istaaggooda in aad u
baahan tahay, laakiin dhab ahaan uma baahnid garab
istaaggooda! Yaan caawimo la'aantoodu kaa dhigin mid ka
aamin baxda dadka oo dhan. Ka agdhowow dadka doonaya in
ay ku caawiyaan si aad u horumariso noloshaada, kana fogow
kuwa kuugu soo dhowaanaya si ay kuugu hormarsadaan
noloshooda!
Waan ku fahmayaa, oo waxa aad odhan doontaa: yaa i caawin
doona haddaa?! Dad badan ayaa diyaar u ah in ay ku garab
istaagaan; sidaa darteed kuwa aan rabin in ay ku garab
istaagaan yaanay kaa qarin kuwaas. Hadalkaygana aan
caddeeyee: marna ha ka qoomayn in aad xidhiidhka u jartay
qof isagu kellifay goynta xidhiidhkaas.
18
“
19
Naftaydaay gacalo:
Xorriyaddu waa mid ka mid ah nimcooyinka quruxda badan ee
uu Ilaahay innagu mannaystay; si kasta oo aynu isu
diidsiinnana nolosha waxa aynu nahay kuwo xor ah. Xor
ayaynu u nahay waxa aynu ka fekeraynno, xor ayaynu u nahay
waxa aynu dareemaynno, xor ayaynu u nahay waxa aynu
odhanaynno, sidoo kalena xor ayaynu u nahay waxa aynu
samaynaynno. Waa run in mararka qaar ay nolosha innagu
khasbi karto duruufo adag, sidaas oo ay tahayna xor ayaynu u
nahay sida aynu uga falcelinaynno duruufahaas.
Ha dafirin xornimadaada ee ku farax, qaddari oo maamuus,
maalin kastana adeegso oo ka faa'idayso. Xasuusnow, xor in
aad u tahay abuuridda qaab nololeedka aad weligaaba ku
hammin jirtay, doorashadana adiga ayaa markasta leh; sidaas
darteed ka buuxi noloshaada debecsanaan, wanaag,
madaddaalo, farxad, xasillooni, dhoollacaddayn, jacayl iyo
waxkasta oo wanaagsan.
Waxa aan rajaynayaa in aad xornimo ku noolaato, si waayo
aragnimo leh aad wax u doorato, si deeqsinnimo lehna aad
wanaagyada ula qaybsatid dadka kale; wanaagyada ay
noloshu kuugu deeqday. Waxa aan rajaynayaa in aad
xorriyaddaada uga faa'idaysato in aad kaga dhigto noloshaada
gaarka ah mid adiga iyo dunida kaleba idin anfacda.
20
“
21
Qalbigaygiyow gacalle:
Raalligelin ha ka bixin in aad dareemayso dareen gaar ah ama
aad dareemayso dareemo badan, xaq ayaad u leedahay in aad
dareento waxkasta oo aad rabto!
22
“
”
23
Naftaydaay gacalo:
"Is heliddu" ma aha in aad si dhab ah isu raadisid oo aad isa
soo heshid. Waayo ma tihid alaab yar oo meel lagu qariyay
kadibna dib loo raadiyay, qof anbadayna ma tihid. Naftaada
dhabta ahi waxa ay ku sugan tahay meeshaas ay ku kulmeen,
qiyamka bulshada iyo dabarradoodu, aragtida dadka kale iyo
ra'yigoodu, iyo natiijooyinka aan xaqiiqada ku fadhiyin ee aad
qudhaada ka aamintay markii aad yarayd, imminkana aad u
aragto shakhsiyaddaada dhabta ah.
Is heliddu dhab ahaan waa dib ugu noqoshada naftaada; waa
illawga wixii aad soo baratay oo dhan, iyo qodqodista
gudahaaga, iyo dib-u-xasuusashada qofkii aad ahayd ka hor
inta aan dunidu kuu talin!
24
“
Cabsidu maaha in aanad
doonaynin in aad
waxsamayso, cabsidu waa in
aad ogaato halistu in ay
badan tahay, haddana aad og
tahay waxa aad samaynaysaa
in ayu qalmaan u
badheedhidda halistaas.
”
25
Naftaydaay gacalo:
Haddii aad arrin u samaynayso si ay dadku kuula dhacaan ama
kuugu bogaan marka aad samayso kadib, uma samaynaysid
sabab sax ah!
Waxyaabaha aad samaynaysid adiga oo ka cabsanaya in dadka
qaar kugu jeesjeesaan marka aad samaynayso waa waxa
jaangooya himiladaada dhabta ah. Sidaas darteed, samee
waxyaabaha ku cabsi geliya, si kasta oo aad uga baqaysid in
dadku kula yaabaan, waayo in lagula yaabo" wax dhab ah
maaha. Dadka aad ka baqayso in ay kula yaabaanna, iyagii
ayaa baqaya, oo in ay tallaabo hore u qaadaan ka cabsanaya.
In aad ka cagajiiddo samaynta waxyaabaha ku cabsi gelinayaa,
waa wax aad dhab ahaan ka qoomamayn doonto.
26
“
Dib u qiimee naftaada
markasta, sanad kasta, bil
kasta iyo xitaa maalin kasta,
si aad u hubiso in aad weli
doonayso waxyaabihii aad
aaminsanayd in aad u baahan
tahay, iyo inaad hore u
soconaysaba.
”
27
Naftaydaay gacalo:
Maalin walba xasuusnow:
Weli maad gaadhin meeshii aad u socotay, ee hubkaaga ha
dhigin (ha is dhigan ); ku dabaaldeg guulahaaga yaryar horena
u soco, waayo noloshu waa socdaal.
28
“
29
Naftaydaay gacalo:
Weli waddada hortaydu way dheer tahay, laakiin waxa aan
go'aansaday in aanan marnaba joojin socodka. Marwalba
nolosha dhibaatooyin ayaa jiri doona, sidoo kalena marwalba
laba albaab oo aad kala dooranayso ayaa jiri doona: in aad
noolaato nolol aan farxad lahayn adiga oo tirinaya
mashaakilkaaga ama in aad noolaato nolol farxadi ku dheehan
tahay adiga oo tirinaya nimcooyinkaaga. Albaabkaas aad
dooranayso ayaa go'aamin doona in aad farxad la duuli doonto
iyo in aad xabsi murugo ah geli doonto.
30
“
31
Naftaydaay gacalo:
Xirfadda ugu muhiimsani waa in aad hesho waddada saxda ah
kadib marka ay soo oodmaan rajooyinka oo dhami; maadaama
ay fududdahay in aad ku lunto mugdiga, iyo in aad noqoto mid
niyadjabsan marka ay kuu rumoobi waayaan riyooyinkaagu,
ama marka ay riyooyinkagu kuu hirgalaan laakiin aanay ku
siinnin waxyaabihii aad ka rajaynaysay.
Awoodda adiga oo isdhiibi gaadhay aad gogoshaada dusheeda
ka ooyayso, adiga oo aan garanaynin wixii aad samayn lahayn,
haddana aad kor u taagayso gacmahaaga adiga oo Ilaahay
weydiisanaya in uu kuu ifiyo waddada hortaada ah, dhab
ahaan waa xirfad weyn oo aanay dadku si weyn u qaddarin.
Mararka qaar sida qudha ee aad hore ugu dhaqaaqi kartaa
waa inaad qirato guulddarada; inaad aqbasho in aad tahay
bina'aadan uun, oo aanad garanaynin inta badan waxyaabaha
dhacaya, kadibna aad si weyn u ilmaysid ilaa aad dareentid
fiicnaan ama aad heshid waddo cusub.
32
“
33
Naftaydaay gacalo Fiiro gaar ah:
Xasuusnow marka aad xal u weydo mushkilad gaar ah, sida ay
u badan tahay ma aha mushkilad la xallin karo, ee waa xaqiiqo
ay tahay in aad sideeda ku aqbasho!
34
“
”
35
Qofka aan noqon doono mustaqbalkoow:
Waxkasta oo kugu soo dhacay waxa ay kugu hoggaamiyeen in
aad timaaddo halkan. Waxba ha beddelin, waayo waxkasta
waxa ay u dhaceen sidii loogu talagalay. Arrimaha oo dhan
waa ay kala caddaadeen, wax walbaana waxa ay noqdeen
kuwo muuqda. Wax qoran ayay ahayd in dadkaas oo dhan ay
soo maraan noloshaada, dhammaan guulihii iyo
guuldarrooyinkii ku soo marayna sidoo kale, xaaladihii jacaylka
iyo waqtiyadii qalbijabkuna waxa ay ahaayeen wax ay ahayd in
aad soo dhadhamiso.
Wax mudan ayay ahaayeen in la soo tijaabiyo; ha ka
qoomamayn. Weligaa wax aad ahayd ahaanna doontaa qofka
aad hadda tahay, taas ayaana waxkasta ka muhiimsan.
36
“
37
Naftaydaay gacalo:
Waad ka qurux badan tahay sida aad isu malaynayso!
Xoog ayaad ugu waalan tahay lebbiska quruxda iyo dhammaan
waxyaabaha ay dumarku xiiseeyaan, laakiin waxa aad u
oggolaataa waxyaabahaasi in ay maskaxdaada u qabsadaan si
kabad badis ah oo ay ku wareeriyaan. Hal maalin iska tirtir
dhammaan make-upka iyo waxyaabaha aad wejigaaga
marisay, waxa aad arkaysaa in quruxdaadu ay ka soo
burqanayso gudahaaga.
Run ahaan, ma noqon doontid gabadha ugu quruxda badan,
marwalba waxa jiri doonta cid kaa qurux badan, waayo
quruxdu waa arrin qof iyo qiimayntii ah, dadkuna marnaba
iskuma waafaqaan waxa ay quruxdu tahay, laakiin dadka oo
dhami waxa ay jecel yihiin ruuxda quruxda badan, adiguna
qaalidaydiyeey waxa aad leedahay ruux qurux badan, ee ha ka
ogolaan mugdiga dunidan aynu ku noolnahay in uu ku
hadheeyo noloshaadana uu ka dhigo mid qadhaadh.
38
“
”
39
Naftaydaay gacalo:
Arrinta oo dhan waxa ay ka bilaabantaa hal go'aan; go'aan ah
in aad joojiso waxaas; go'aan ah in aad hore u socoto; go'aan
ah in aad noqoto qof geesi ah si kasta oo aad u cabsanayso;
go'aan ah in aad qubto oo ka gudubto wixii hore oo dhan.
Intaas kadib ayay tallaabada labaad noqonaysaa in aad
go'aankaas ku taagnaato. Labadaas arrina in aad go'aan
gaadhid iyo in aad ku taagnaatid cidina kaama furan karto; waa
hawl adiga kuu taalla!
40
“
”
41
Naftaydaay gacalo:
Waa wax fican in aad noqoto qof xidig ah oo ay dadku la wada
ashqaraaraan, laakiin waxa marar badan ka xasillooni badan in
aanad ahayn qof deyn lagu leeyahay, xoogaa lacag ahi ay
bangiga kuugu jirto, oo aad ku nooshahay xaalad ammaan ah
oo aanad ka werweraynin dhaqaale xumo iyo in aad wax
weydo. Mararka qaar waxa muhiim ah keliya in aad caafimaad
qabto, dharkaaga aad maydhato, cunto hagaagsan aad cunto,
si wanaagsan aad u qubaysato, meesha aad deggan tahayna
aad iska nadiifiso, halkii aad hami weyn oo nolosha ah xaqiijin
lahayn.
42
“
Naftaydaay gacalo, dadka
badankoodu ma bogsadaan
maadaama ay xasuusihii hore
maskaxdooda ku soo
celcelinayaan, ee ka gudub
arrinta ku dhibaysa.
”
43
Naftaydaay gacalo:
Khasab maaha qof kasta oo aad la kulanto noloshu in uu
garabkaaga joogo inta ka dhiman noloshaada; dad ayaa ka tegi
doona, adiguna sidaa si la mid ah dad ayaad ka tegi doontaa.
Dad badan ayaad ku hungoobi doontaa, waxa qudha ee aad
samayn kartaana waa in aad ka faa'idaysato casharradii ay ku
bareen; sidaa darteed u mahad celi dadka joogay ee aan kaa
dheeraan, sidoo kalena buuxi booska kuwa ka baxay
noloshaada.
Ta ugu muhiimsanina waa in aad si laabxaadhnaan ah uga
gudubto dadka iyo waxyaabaha aanay qornayn in ay
noloshaada ku sii jiraan, oo aad u aqbasho waaqica sida uu
yahay.
44
“
Markasta oo uu safarka figta
sare sii adkaado, ha illaawin
in aad naftaada ku faanto.
”
45
Naftaydaay gacalo:
Markasta ha ka werwerin qofka daacadda ah kuu ah iyo cidda
aad ku kalsoonaan karto. Ha dhowaato ama ha dheeraato e
dadku way muujin doonaan wejigooda dhabta ah, marka aad
aragto wax arrintaas kuu caddaynayana markiiba aqoonso oo
dadka ku kala qiimee. Ku kalsoonow dareenka gudaha ee kuu
sheegaya shakhsiyadda dhabta ah ee dadka, iyo dareenka ay
ku dareensiinayaan. Marka horaba waad garanaysaa cidda ay
tahay in aad noloshaada boos ka siiso iyo cidda ay tahay in aad
bannaanka uga saarto.
46
“
La innama siinin nolol xun iyo mid
wanaagsan toona, Ilaahay waxa uu ina
siiyay nolol uun, innaga ayay inoo
taallaa in aynu ka dhiganno nolol
qurux badan ama mid xun.
47
Naftaydaay gacalo:
Waxa aynu joognaa sanadka 2034, waa taariikh aan is lahaa
weligaa ku arki maysid meel aan ka ahayn filimada khiyaaliga
ah ee ka warrama tegista mustaqbalka. Hadda waxa aan jiraa
70 sano, ama aan iska dhaho waxa aynu jirnaa 70 sano.
Hambalyo labadeennaba maadaama aynu soo gaadhnay
da'dan. Qoyskeennu waa mid qurux badan, caruurtuna sidoo
kale. Waan xasuusanahay [naftaydaay] markii aad aasaasday
qoyskan sida aad u ahayd mid taag daran, sida uga
werweraysay biilasha iyo xaaladda dhaqaale, in aad noqoto
nin biilka reerkiisa ka adkaada, iyo xaaladdii jahawareerka
ahayd ee ku soo martay markii aad weyday shaqadaadi. Haddii
aanad haysan lahayn adkaysiga xaaskaaga jacaylkeeda iyo
garab istaaggeeda, kuma aanad guulaysateen in aad
xaaladdahaas ka gudubto; sidaa darteed ula dhaqan si
wanaagsan marwalba. Arrinta la yaabka lihina waa in wax
badani iskood u hagaageen markii aad joojisay in aad
waxwalba hagaajiso, taas beddelkeedana aad xoogga saartay
in aad dadka kuu dhow la wadaagto arrimahaaga
islamarkaasna aad samayso waxyaabo ku anfacaya oo faa'ido
kuu leh; marar badan waxa qurux badan in aad waxyaabo
badan sidooda iskaga dayso! Haddii aan in uun talo ku siin
lahaana waxa aan odhan lahaa: toban mar feker, boqol marna
wax rogrog, werwerka aad ka qabto in aad khaladaad
samaysidna jooji, hana ku fekerin "ma anaa ku dhaca in aan
waxaas sameeyo?!", la kaalay ku-dhac iyo dhiirranaan oo
isbeddel macno leh horseed.
Hayaan qurux badan naftaydaay.
48
“
Su'aal nafyahay?
Miyaad u xiistay qofkaas si
dhab ah, mise hadda
ayuunbaad kelinnimo
dareemaysaa?!
”
49
Naftaydaay gacalo:
Waad og tahay in qofkii aad jeclayd uu ku khiyaamay, haddana
waxa aad naftaada ku qancinaysaa in waxkasta ay ahaayeen
khalad fahan; haddana caddayn kale ayaa hortaada timi:
gacaliyahaagi sidaas kuu galay oo wata kuna faanaya
jacaylkiisa cusub, isaga oo mooggan baaxadda xanuunka uu
kuu geystay. Ha ku dhicin khaladka ah in aad qof xidhiidh ula
samayso si aad isugu illawsiiso kii hore, si aanad naftaada ugu
geysan dhaawac ka weyn intii hore, dhibna malaha in aad in
muddo ah keligaa ahaato; in aad keligaa tahay waxba u
dhimmi mayso dumarnimadaada. Ha degdegin bogso oo
waqtigaaga qaado, ugana faa'idayso waqtigaas aad keliga
tahay in aad naftaada ku daryeesho kuna barato.
Laga yaabaa odhaahda tidhaahda "wakhtiga ayaa waxkasta
daweeya" in ay u muuqato mid aan macno badan lahayn,
laakiin waxa macquul ah dadkii hadalkaas yidhi cidda ay
doonaanba ha ahaadaane in ay saxnaayeen oo qodob ku
taagnaayeen, oo damqashada xanuunku waa ay yaraataa
markasta oo waqtigu socdo, xoogaa nasiib iyo adkaysi ah
kadibna waxa macquul ah in aad wada bogsato. Laga yaabaa
in dhaawacyada qaar ay kaaga tagaan boogo, haddana waynu
u adkaysan karnaa boogahaas oo waynu baran karnaa sida
loola noolaado innaga oo aan damqanaynin.
Waan ogahay in aanay arrin fudud ahayn, waan ogahay i
rumayso, sidoo kalena iga rumayso in arrimahaasi ay
hagaagaan markasta oo waqti la siiyo.
Bogsiimo wanaagsan naftaydaay.
50
“
Way fiican tahay in aad
xawaare sare ku socotid,
laakiin sidoo kale waxa iyana
muhim ah in aad garanayso
xilliga aad cagta dhulka u
dhigayso ee aad yara
nasanayso.
”
51
Naftaydaay gacalo:
52
“
Markasta way ku habboon
tahay in aad naftaada
jeclaato in ka badan intii
hore.
53
Naftaydaay gacalo:
Ma u fiirsatay sida aad isu beddeshay beryahan danbe?! Aniga
ayaa u fiirsaday, dhanka wanaagsan ayaad isu beddeshay.
Imminka si kalfuran ayaad uga hadashaa waxyaabaha
maskaxdaada ka guuxaya,
caqabadahana waxa aad u waajahdaa si ka kalsooni badan sidii
hore. Imminka waxa aad awooddaa in aad u seexato si qoto
dheer adiga oo aan werweraynin, iyo in aad madadaalato oo
waqtigaaga qaadato adiga oo aan cabsanaynin, iyo in aad
fasax u baxdo adiga oo keligaa ah waqtigaagana aad ku
raaxaysato iyo kelinnimadaadaba.
Waxa aad kaga qayb qaadataa dedaalkaaga, waqtigaaga iyo
lacagta yar ee aad haysato, in aad ku caawiso dadka kale ee
adiga kaa sii liita. Si kasta oo aad u dareemayso in kaydkaaga
lacageed uu isdhimayo lacag dheeraad ahna aad u baahan
tahay, haddana ruuxdaadu sidii hore way ka farxad iyo iftiin
badan tahay. Waa isbeddel qurux badan, aniguna waan ku
faraxsanahay in aad noqotay qof cusub; bannaanka u soo saar
kalsoonidaas iyo quruxdaas gudahaaga ku duugan;
isbeddelladaas joogtada ahna samee inta aad ku guda jirto
hayaankaagaas nololeed.
Ahow mid awood badan, hana joojin jacaylka iyo bixintiisa,
hana joojin in aad dadka kale danayso oo daryeesho. Inta aan
wax kale la gaadhinna, ugu horrayn run kula noolow naftaada.
Nolol qurux badan naftaydaay.
54
“
Naftaydaay gacalo, waa in
aad isku kalsoonaataa marka
aanay jirin cid kale oo kugu
kalsooni; taas ayaa macnaha
dhabta ah samaynaysa ugu
danbaynta.
55
Naftaydaay gacalo:
Miisaanka waxa lagu qeexaa culayska cayiman ee ku sugan
gudaha walax cayiman, mana aha wax xidhiidh la leh
shakhsiyaddaada, awoodddaada iyo qiimahaaga qofnimo
toona. Waa run, waa muhim in aad noolaato nolol
caafimaadqab leh, waana muhim in aad naftaada daryeesho,
laakiin daryeelidda naftaada waxa soo hoos galaysa
daryeelidda badqabkaaga maskaxeed.
Iska indhatirka badqabkaaga maskaxeed iyo badqabkaaga
jidheedba waxa ay kugu sababi karaan mashaakil horleh,
waxaana fudud in aad isku qanciso in aad buuran tahay ama
aad dhuuban tahay, taasina ay kugu kellifto in aad si aan
habboonayn ula dhaqanto jidhkaaga.
Jidhkaaga waxa ku kaydsan dhammaan afkaartaada
dareennadaada iyo sifooyinkaaga, isagu [jidhkaagu] haddii
aanuu badqabinna ahaan maysid qofka aad tahay, sidaas
darteed haddii aad rabto in aad wax ka beddesho, ku soco oo
sida ugu habboon wax uga beddel, laakiin waa in aad niyadda
ku haysaa in aanad arrintaa u samaynaynin in aad cid kale isku
jeclaysiiso ama cid kale kuula dhacdo ama aad u farxad geliso
qof gaar ah, qofka qudha ee jidhkaagu khuseeyaa waa adiga,
cidina xaq uma laha in ay kuu sheegto in jidhkaagu uu jalaqsan
yahay ama in uu kala daadsan yahay toona; haddii ay kaa
waayaan sida ay rabaan, waa mid iyaga u taalla!
56
“
Xakamaynta naftaadu waxa
ay ka bilaabantaa
xakamaynta afkaartaada,
haddii aanad xakamayn karin
waxa aad ka fekerayso ma
xakamayn kartid waxa aad
samaynayso.
”
57
Naftaydaay gacalo:
Waxa aan ogaaday in dejinta hadafyadu ay u wanaagsan tahay
qorshaynta horumarkaaga, halka caadooyinka maalinlaha ahi
yihiin waddada lagu xaqiijinayo hadafyadaas. Waa suurtagal in
hadafyadu ay kuu sheegaan jihadii aad aadi lahayn ama si ku
meel gaadh ah in hore kuugu riixaan, haddana ugu danbaynta
nidaam caadeed toosan oo si wacan loo diyaariyay ayaa
guusha dhabta ah xaqiijiya. Nidaam aad raacdo in uu kuu
degsanaado waa muhim, nidaamkaas in aad ku toosnaatana
waa waxa farqiga iyo macnaha samaynaya.
58
“
Marka aad dareento in aanad
intaas ka badan sii wadi
karaynin dedaalka, dib u
xasuuso sababtii aad markii
horaba u bilawday hawshan.
”
59
Naftaydaay gacalo:
Samirku waa saaxiibkaaga ugu fican. Haa, waxa ugu badan ee
ay tahay in aad marwalba xasuusnaato waa in samirku uu
yahay saaxibkaaga ugu fiican. Samir yeelo marka aad
noloshaada ka saarayso dadka, fikradaha iyo habdhaqannada
aan habboonayn, naftaada u debecsanaw oo u tudh marka
aad ka fogaanayso waxyaabaha aad la soo qabsatay
noloshaada oo dhan, naftaadana si togan u dhiirrigeli si aad u
xaqiijiso yool kasta oo ka mid ah yoolashaada nololeed.
60
“
Ku raaxayso waxyaabaha
yaryar nolosha, maalin
maalmaha ka mid ah ayaad
dib soo fiirin doontaa kadibna
aad ogaan doontaa in ay
ahaayeen waxyaabaha
waaweyn.
61
Naftaydaay gacalo:
ogow in qofka ugu saboolsan dadka dhaqaale ahaan uu marar
badan noqon karo midka ugu hodansan marka ay arrintu
joogto jacaylka, dhoollacaddaynta, farxadda, xasilloonida,
gobannimada iyo u dhowaanshaha Ilaahay; sidaas darteed
markasta xasuusnow waxa muhiimka ah nolosha iyo waxa
lagama maarmaanka ah.
Ku raaxayso islamarkaana ka faa'idayso dhammaan walxaha
wanaagsan ee aad haysato, laakiin xasuusnow markasta in
farxadda iyo jacaylka dhabta ahi ay ka yimaaddaan gudaha.
Samayso farxaddaas, jacaylkaagana dadka la wadaag,
qalbigaagana ka buuxi wanaagga iyo jacaylka Rabbi. Marwalba
qalbiga ka noolow, markaas ayaad garan doontaa sida loo
noolaado nolol farxad leh e.
62
“
Naftaydaay gacalo, cadhadu
waa astaan, astaan kastaana
waxa ay mudan tahay in loo
fiirsado.
63
U fiirso naftaydaay:
Dad badan ayaa aaminsan in xakamaynta cadhadu ay tahay
sidii aad u cabudhin lahayn cadhadaada, laakiin in aanad
cadhoonin gebi ahaanba ma aha arrin caafimaadka u
wanaagsan; waayo cadhadu waa arrin dabiici ah si kasta oo
aad isugu celisana dibadda ayay u soo baxaysaa. Ujeedada
dhabta ah ee xakamaynta cadhadu ma aha in aad cadhadaada
cabudhiso, ee waa in aad fahanto farriinta ka danbaysa
dareenkaas, iyo in aad u soo bandhigto hab habboon iyada oo
aan arrintu farahaaga ka baxaynin. Marka aad sidaas
samaysid, ma dareemi doontid uun dareen wanaagsan, ee
xitaa waxa aad helaysaa baahiyahaaga iyo waxyaabaha aad
rabto, waxaanad awood u yeelanaysaa maaraynta
khilaafyadaada iyo xoojinta xidhiidhadaada.
Barashada Xakamaynta cadhadu waa wax adag oo u baahan
dedaal badan, laakiin markasta oo aad ku tababarato waxa ay
kuu noqonaysaa wax fudud, faa'idooyin badanna waad ka
dheefi doontaa. Barashada xakamaynta cadhadaadu iyo in aad
u cabbirto habka ugu qummani, waxa ay kaa caawinaysaa in
aad dhisto nolosha xidhiidho wanaagsan iyo in aad xaqiijiso
hadafyadaada oo aad ku noolaato nolol qanaaco leh oo aad
raalli ku tahay.
64
“
Waan kugu kalsoonahay
naftaydaay, waanan ku
aaminsanahay.
65
5 waxyaabood oo ay tahay in aad maalin walba xasuusnaato
naftaydaay:
• Wixii tegay way tageen.
• Aragtiyaha aynu dadka ka haysannaa markasta xaqiiqo
maaha.
• Qofkasta safarkiisa nololeed waa mid gaar ah oo dadka
kale ka duwan.
• Waqtiga ayaa daweeya waxkasta.
• Farxaddu waa doorasho!
66
“
Naftaydaay gacalo, dadka oo
dhan ayay soo maraan
maalmaha adagi,
muhiimaddu waa in aynaan
ku soo celcelin khaladaadkii
hore; khaladaadkii
maalmaheenna adkeeyay.
”
67
Naftaydaydaay gacalo, naftaydi hooyada noqotayeey:
Waan ogahay in hooyannimadu ay tahay marxalad amankaag
leh; maadaama ay hooyannimada weheliyaan dareemo
badani, oo keliya dareemi maysid jacayl iyo farxad uun, ee
sidoo kale waxa aad dareemaysaa dareenno adag sida
werwer, isku buuq iyo daal. Ha werwrin hooyooyinka oo dhan
ayaa sidaas dareema. Hawl fiican ayaad qabanaysaa, waan
ogahay in aad dareemayso sidii aad tahay hooyada adduunka
ugu xun, laakiin i rumayso, caruurtaadu marwalba way ku
jeclaan doonaan ee jacaylkaaga ugu deeq, waxa qudha ee ay
marwalba xasuusan doonaan waa taas.
Noqo hooyada caruurteedu ay khajilaan marka ay
dhunkanayso iyaga oo iskuulka u socda, ama u sii qor farriimo
yaryar oo shandada ugu rid si ay u akhristaan waqtiga
nususaacaha; xitaa waxyaabahaas yaryar ayaa jacaylkaaga
tusaya. Laga yaabaa in aanay waxyaabahaas tixgelin marka ay
yaryar yihiin, laakiin marka ay xasuustooda dib u soo celiyaan
iyaga oo waaweyn, ma doorbidi doonaan in waxyaabahaasi ay
u dhici lahaayeen si sidaas ka duwan, macno weyn ayayna u
samayn doonaan. Xasuusnow in hooyannimadu ay mararka
qaar u muuqan karto shaqo, laakiin xaqiiqadu waa in tahay
awood iyo dheeraad lagu siiyay. Maalmo wanaagsan iyo
maalmo xunba way ku soo mari doonaan, maadaama
hooyannimadu labadaba ay wadato, laakiin ka dhig inta
karaankaaga ah sida ugu wanaagsan. Jeclow caruurtaada
jacayl bilaa shuruud ah, naftaadana ha illaawin inta aad
hawshaas ku guda jirto, xasuuso qurux badanna samee.
Hooyo cajiib ah ayaad tahay naftaydaay.
68
“
Cidna kama hoosaysid
kamana liidatid ee maanka
ku hay.
69
Naftaydaay gacalo:
Waxaad leedahay xirfado iyo hibooyin qurux badan oo ku
habboon shakhsiyaddaada, xoogna waad ugu hamuun qabtaa
in aad si adag u shaqayso oo aad barato xirfado cusub, sidaas
darteed isku kalsoonow, waxa jiri kara waqtiyo aad isku
hungowday oo aad gashay khaladaad, laakiin maxaa diiday in
aad iscafiso? Maxaa diiday in aad kalsoonidaada dib ugu dhisto
isla sida aad uga caawiso dadka kale in ay dib u dhisaan
kalsoonidooda? Miyaanad adiguba u qalmin intaas?!
Ma garan kartaa sifada ay wadaagaan dhammaan dadka
guulaystay ee cagta la helay dhabbada aad adna ku socoto?
Waa joogtaynta; isma dhiibaan marna, adna ma tihid qof
isdhiiba weligaana maad noqon qof isdhiiba; sidaa darteed
hore u soco, tallaabadana hore u qaad waad gaadhi doontaa
ujeedadaada e.
70
“
Haddii aad rabto waqti,
xorriyad iyo tamar dheeraad
ah, bilaw adeegsiga erayga
"Maya".
”
71
Naftaydaay gacalo:
Ixtiraam tamartaada oo isu tudh, marka ay khasab noqoto in
aad hawlaha oo dhan joojiso oo aad dib u soo kabato samee
sidaas, dunidu waa goob waalan abaalna kuguma laha ee
naftaada ha caddibin, markastana khasab maaha in aad
goobjoog ahaato; dhibi kuma jirto in aad dadka ka dhex baxdo
muddo si aad naftaada ula xidhiidho waqtina ula qaadato.
72
“
Marka ay ku soo maraan afkaar
tabani, kuguma filna
in aad keliya u dulqaadato afkaartaas,
ee waxa iyana muhim ah in aad ku
beddeshid afkaar togan
oo raynrayn leh.
73
Naftaydaay gacalo:
Waxaa jirta odhaah qadiimi ah oo tidhaahda " waxa aad tahay
waxa aad cuntid", iyada oo laga yaabo in ay sax tahay haddana
waxa ay ila tahay in ay ka sii
habboon tahay: "waxa aad tahay waxa aad ku hadashid!",
waayo ereyadu waxa ay leeyihiin awood cajiib ah, dhawr eray
oo fudud ayaana kor u qaadi kara oo shidaal u noqon kara
kartida qofka ama hoos u dhigi kara waxqabadkiisa! Ereyada
aynu ku hadalno saamayn toos ah ayay ku leeyihiin
nolosheenna, waxaanan aaminsanahay haddii aynu
caadaysanno adeegsiga hadallo wanaagsan oo aynu kula
hadalno dadka kale iyo nafteennaba, in aynu ku noolaan
doonno nolol qurux badan.
Dhanka kale haddii aynu nolosheenna adeegsanno ereyo
taban dadka kalena aynu ku jeesjeesno waxyaabo xunna aynu
ka sheegno iyaga oo jooga ama maqanba, ama aynu nafteenna
kula hadalno ereyo ay ka mid yihiin "waxba kuma fiicni”, ama
"noloshaydu way kala daadsan tahay", sidee ayanu u rajayn
karnaa in aynu ku noolaanno nolol togan oo wadata raynrayn
iyo xasillooni?! Afkaarta iyo ereyada tabani waxa ay abuuraan
nolol xun!
74
“
Naftaydaay gacalo, guushu
ma aha wax geed ka go'an ah
(la hubo), guuldarraduna ma
aha wax aan laga soo kaban
karin, geesinnimada hore
loogu sii soconayo ayaa se
ugu muhiimsan.
”
75
Naftaydaay gacalo:
Haddii ay inuun micno kuu samaynayso, ogow in aan marnaba
waqti kaa tegin si aad u noqoto qofka aad rabto in aad noqoto
habeen kaama tegin. Ma jiro waqti cayiman, jooji dedaalka
marka aad doonto, oo waxa aad awooddaa in aad isbeddesho
ama in aad sidaada ahaataba, ma jirto xeerar sandulle ah oo
arrintan u degsani. Sidaas darteed waad awooddaa in aad
qodobkan uga faa'idaysato sida aad rabto, ama waxa aan
rajaynayaa in aad ka faa'idaysatid!
Waxa aan rajaynayaa in aad aragto waxyaabo aad la
ashqaraarto, waxa aan rajaynayaa in aad dareento dareenno
aanad hore u dareemin, sidoo kale waxa aan rajaynayaa in aad
la kulanto dad u fekeraya si ka duwan sida aad u fekerto.
Waxa aan rajaynayaa in aad noolaatid nolol aad ku qanacsan
tahay, haddii aad is aragto in aanad ku qanacasanaynna, waxa
aan rajaynayaa in aad yeelatid awoodda aad waxkasta dib ugu
bilaabi lahayd mar labaad.
76
“
Naftaydaay gacalo, Noloshu
gebigeedaba waa in aad
saamayn wanaagsan yeelato;
gaar ahaan naftaada ku
yeelato.
”
77
Fiiro gaar ah:
Jeclow naftaada adiga oo daallan,
Jeclow naftaada adiga oo daciif ah,
Jeclow naftaada adiga oo khalkhalsan,
Jeclow naftaada adiga oo kala daadsan,
Jeclow naftaada inta aad dib ugu istaagayso cagahaaga.
78
“
Barasho ayaan ku jiraa si aan
u noqdo qofka ay ii sheegayso
ruuxdaydu in uu aniga yahay.
79
Naftaydaay gacalo:
Jidhkaaga daryeel markasta; quudi jimicsi u samee oo ula
dhaqan sida ugu habboon, sidaas oo ay tahayna ruuxdaadu ha
noqoto halka aad ka dhaqaaqdo; ruuxdaada qurxiso. Ruuxdaas
quruxda badan ee wanaagsan ee gudahaaga ku jirtaa, iyadaa
ah waxa ugu muhiimsan. Ruuxdaas ashqaraarka leh ee
xooggani waa midda ku siinaysa nolol. Ruuxdaas faraxsan ee
naxariista badani waa waxa ku siinaya laba baal oo aad samada
ugu duushid, waana midda kuu furaysa janno aad ku
noolaatid.
80
“
Ugu noolow noloshan sida
aad rabto, hana ka cabsan
inaad si buuxda u noolaato.
”
81
Naftaydaay gacalo:
Waad ka caqli badan tahay sida aad ismoodayso, waana iga
dhab! Maxay micno leedahay in waxbarashadu aanay kuugu
fududayn sida ay ugu fududdahay dadka kale?! Tani kaama
dhigayso qof ka garaad yar midka fadhiya dhinacaaga fasalka;
sidaas darteed marka danbe ee aad keligaa fekarayso is
xasuusi intan.
Waxa uu yidhi Albert Ainstein: "qof kastaaba waa mid caqli
badan, haddii se aad kalluun ku qiimayso awooddiisa iyo
kartidiisa in uu fuuli karo geed iyo inkale, waxa uu ku
dhammaysanayaa noloshiisa oo dhan isaga oo isu arka doqon
aan waxba ku fiicnayn!"
Qof walbaa waa mid caqli badan, adiga ayayna kuu taallaa
qaabkii aad taas u soo bandhigi lahayd, ee maxaad ku
wanaagsan tahay? Waa maxay shayga aad dadka kale kaga
fiican tahay? Hel majaalka aad ku wanaagsan tahay dunidu
iyada ayaa kuu niikinaysa e, sidoo kalena xoogaa dedaal ah la
kaalay marka aad xiisadda joogto, illeen sabab baad u joogtaa
meesha e!
82
“
Mararka qaar fogaantu ma aha
daciifnimo, ee laga yaabaa in ay tahay
awood, waayo uma fogaanno si
ay dadka kale u gartaan
qiimaheenna, ee waxa aynu
u fogaannaa in aynu ugu danbayn
garannay qiimaheenna.
83
Naftaydaay gacalo:
Ka fogow dadka ku niyadjebiya.
Ka fogow murannada aan weligood xallismaynin.
Ka dheerow ka farxinta dadka aan weligood ku qiimaynaynin.
Markasta oo aad ka fogaato waxyaabaha sumaynaya
ruuxdaada, waxa aad noqonaysaa qof awood badan.
Waan ku jeclahay.
84
“
Naftaydaay gacalo, waa caadi
in mararka qaar lagu waayo
oo aad dadka ka dhex baxdo.
85
Naftaydaay gacalo:
Booqashada baraha bulshada, eegista farriimaha kuu soo
dhacay, daawashada sawirrada Instagramka, iyo rogrogista
waxyaabaha degdegga ah ee Twiterka la soo dhigo, iwm, waa
qayb ka mid ah nololmaalmeedkeenna. Laakiin haddii aanad
xakamaynin waqtiga aad ku qaadanayso meelahaas, waxa aad
is arkaysaa waqtigii oo socday iyo adiga oo aan waxba qabsan.
Sidaa darteed xeerar u deji isticmaalkaaga, dawanka (Alarm-
ga) ku save garayso waqtiga aad joojinaysid, iska xidh app-kaas
oo wax kale qabo, ama soo gal khadka keliya waqtiyada aad
dhamayso hawlahaaga si aad uga dhigato abaalmarin iyo
nasasho.
86
“
Shalay mid caqli badan ayaan
ahaa maadaama aan rabay in
aan dunida beddelo, maanta
waxa aan ahay mid waayo
arag ah sidaas ayaan u rabaa
in aan naftayda beddelo.
87
10 su'aalood oo ay tahay in nafta la weydiiyo:
1. Waa maxay waxyaabaha noloshayda ku jira ee aan aniga iga
turjumaynin?
2. Muxuu qalbigaygu ii sheegayaa ee aan iska indhatirayaa?
3. Markee ayaanan naftayda runta u sheegin? Waayo?
4. Waddada saxda ah ma ku suganahay?
5. Maxaan maanta samayn karaa si aan berri u noolaado nolol
fiican?
6. Ma ahay qof ay dadka kale agtiisa farxad ku dareeman?
7. Waxkasta ma si shakhsi ah ayaan u qaataa (ma cuqdad baan
qabaa)?
8. Waa maxay waxa ugu weyn ee aan naftayda ku jeclahay?
9. Ma u jecelahay naftayda si la mid ah sida aan rabo in dadka
kale ay ii jeclaadan?
10. Maxaa iga farxiya?
88
“
Cabsida iyo kalsooni darradu
waxa ay dilaan riyooyin ka
badan kuwa ay disho
guuldarradu.
89
Naftaydaay gacalo:
Doorashooyinkaaga nololeed waxa ay micno samaynayaan
marka aad ku xidho doonistaada iyo riyooyinkaaga.
Doorashooyinka ugu fican ee ugu dhiirrigelinta badanina waa
kuwa la jaanqaadaya hadafkaaga naftaada iyo qiyamka aad
aaminsan tahay. Sidaas darteed marka aad arrin ku
dhaqaaqayso, isweyddii sababta aad waxan u rabto, haddii
kale waxa aad is arkaysaa adiga oo si fudud isu dhiibay!
90
“
91
Naftaydaay gacalo:
Farqi weyn ayaa u dhexeeya qofka isku kalsoon ee naftiisa
qaddariya iyo midka isla weyn. Dadka naftooda sida saxda u
qaddariyaa waxa ay u fekeraan sidan: waan qurux badanahay,
laakiin way jirtaa cid iga qurux badani, halka dadka isla weyni
ay dhahaan ama u fekeraan qaabkan: waan ka qurux
badanahay qofkasta oo aan aqaanno!
Qofka isku kalsooni naftiisa waa la heshiis, iyadoo ay jirto in uu
naftiisa oggol yahay haddana wuu garanayaa waxa uu ku liito
iyo waxa uu ku fiican yahayba, wuuna og yahay in ay jiraan
waxyaabo badan oo ay tahay in uu ka barto dadka kale,
waxaanad arkaysaa dadkaasi in ay isdhuldhig badan yihiin
marka ay la dhaqmayaan dadka kale.
Halka isla weynidu ay ka soo maaxato qaddarin nafeed aan
caafimaad qabin; kuwa islaweyni waxa ay la halgamayaan
xasillooni darro gudahooda ah, islaweynidu waa in aad
marwalba ku dedaasho in aad dadka ka sare marto,
islaweynidu waa in aad ku dedaasho in aad marwalba hesho
danaynta iyo hadal haynta dadka kale, sidoo kalena dadka
islaweyni uma dulqaadan karaan dhalliisha togan markastana
waxa ay naftooda barbar dhigaan dadka kale. Sidaas darteed
naftaydaay noqo mid si qumman isu qaddarisa, mid isku
kalsoon haddana isdhuldhig badan.
92
“
Toddobada cajaa'ib ee dunidu waa:
1. In aad wax aragto
2. In aad wax maqasho
3. In aad wax taabato
4. In aad wax dhadhamiso
5. In aad wax dareento
6. In aad dhoolacaddayso
7. Iyo in aad wax jeclaato.
”
93
Naftaydaay gacalo:
In aad buug iibsato oo meel iska dhigto iyo in aad iibsato oo
waqti aad ku akhrido u hesho waa laba arrimood oo gebi
ahaanba kala duwan. Marwalba iyo meel walba waad heli
kartaa waqti: adiga oo tareen saaran, adiga oo bas saaran,
adiga oo doon fuushan iyo adiga oo meel cid ku sugayaba.
Markasta oo aad wax badan akhrido, waa markasta oo aad
wax badan barato tijaabooyinka dadka kalena aad casharro
kala baxdo, oo waxa aad baran kartaa waxyaabo toban sanno
kugu qaadan lahaa saacado gudahood adiga oo akhrinaya
buug qoraaga ku qaatay toban sanno oo waayo aragnimo ah
si uu xogtaas isugu dubbarido. Marleyba qorayaashu waa ay
kuu qabteen hawsha intii adkayd, ama wax ka baro buugga oo
akhri ama iskaga tag adiga oo aan kala furin e.
94
“
95
Naftaydaay gacalo:
Waad og tahay in ay jiraan dad ku danaynaya oo ku jecel, ee
maxaad uga werweraysaa in aad culays ku noqoto? Waan
hubaa in aad leedahay saaxiibbo diyaar u ah in ay ku
caawiyaan markasta, saaxiibo aad marar badan u
hagarbaxday, iyaguna ku faraxsan in ay ku garab istaagaan oo
ku caawiyaan markooda; ee maxaad uga cabsanaysaa in aad
caawimo weydiisato?! Waad og tahay in dadka qaar ay
waxkasta u samayn karaan adiga dartaa, laakiin sidoo kale
waxa aad og tahay in iyagana ay haystaan duruuftooda gaarka
ahi, oo ay lagama maarmaan tahay in aanad culays la soo
doonan adna, laakiin ma aha in aad sidaas samayso!
Wax badan ayaad samaysay, wax badan ayaad dadka kale u
qabatay, ee maxaa diiday in adigana lagu caawiyo markaaga?
Sida aan hore kuugu sheegay, waxa jira dad in ay ku caawiyaan
ha joogtee xitaa ku farxi doona in ay kuugu debecsanaadaan
oo kuugu hagarbaxaan isla sidii aad u samaysay markoodi. U
oggolow in ay ku jeclaadaan, sidaas ayay doonayaan, dhab
ahaanna way ku jecel yihiin e!
96
“
97
Naftaydaay gacalo:
Fadlan jidhkaaga ha odhan waa daciif, waayo waqti dheer
ayuu soo halgamayay, sidaas ayuuna ka yahay mid ka mid ah
waxyaabaha ugu xooggan ee aad weligaa aragtay. Wax badan
ayuu u soo dulqaatay in badanna wuu soo adkaystay, ha na
illaawin in soo kabashadu ay tahay hawl si gaabis ah u dhacda.
Fadlan ha dareemin qoomamo iyo niyadxumo maadaama
aanad ahayn saaxiib, gabadh iyo shaqaale dhamaystiran oo
bilaa iin ah. Wax badan oo aan suurtagal ahayn ayaad
samaysay si aad noloshaada u sii wadato haddana waad
guuldarraysatay, waxaanad gashay dagaal aan waxba la iskula
hadhin, laakiin dibdhacaagu waa diyaargarow iyo soo laba
kaclayn uun, maalin maalmaha ka mid ah ayaanad guulaysan
doontaa, markaas ayaad fiirin doontaa dhaawacyada
jidhkaaga adiga oo ku qaylinaya: "waan guulaystay!".
Ha is nicin naftaydaay, jidhkaagana ha nicin, lugahaagu waxa
ay ku sideen xilliyadii ugu adkaa noloshaada, gacmahaaguna
waa kuwo xooggan sidoo kale, sidaas oo ay tahayna waa kuwo
debecsan oo loo adeegsan karo laabgelinta cidda aad
jeceshahay. Marka aad dib uga soo kabato guuldarradan, waxa
aad dareemi doontaa in ay tahay guushii ugu weynayd ee aad
weligaa dhadhamiso, waxaanan kuu ballanqaadayaa haddii
aad isqaddariso oo isqiimayso mar labaad in jidhkaagu uu
markale iftiimi doono, xagtimaha dushaada ku yaallaana ay
caddayn u noqon doonaan in aad guulaysatay; sidaas darteed
mustaqbalka u hanwaynow oo markasta mahadnaq.
98
“
Marka aad keligaa
lugaynaysid ha eegin
cagahaaga hoostooda, ee eeg
gudahaaga, si aad u ogaatid
awooddaada.
”
99
Naftaydaay gacalo:
Haddii aanay cidi hore kuugu sheegin, aan kuu sheego hadda:
"waan ku jeclahay".
Waan jeclahay sida aad u dhoolacaddayso dhoolacaddayn
daacad ah. Waan jeclahay qaabka aad u daryeesho dadka aad
jeceshahay; ee aad waqtiga ugu hesho si kasta oo aad
mashquul u tahay. Waan jeclahay qaabka aad u aaminto in
wax wanaagsani ay dhici doonaan xitaa iyada oo u muuqata in
aanay suurtagal ahayn. Waan jeclahay qaabka aad u aaminsan
tahay dadka iyo in markasta gudahooda wanaag uu ku duugan
yahay. Waan jeclahay qaabka aad u dhegaysato dadka, marka
ay kaaga sheekaynayaan qisooyinkooda. Waan jeclahay sida
aanad dadka u xukminin markiiba ee aad dhankooda wax uga
eegto. Waan jeclahay qaabka aad u eegto dadka indhahooda
ee aad u ogaatid in ay wax badan ku qarinayaan qalbiyadooda;
ugu qarinayaan caqabadahooda iyo xanuunnadooda.
Waan jeclahay qaabka aad u aaminsan tahay nolosha iyo in ay
jiraan waxyaabo badan oo weli u baahan in la daahfaydo.
Waan jeclahay sida aad u jeceshahay waxbarashada ee aad u
xiisayso in aad marwalba wax cusub baratid, ka baratid
nolosha iyo dadkaba. Sidaada ayaan kugu jeclahay nafyahay,
waayo sida aad og tahayba mid dadka kale ka soocan ayaad
tahay.
100
“
Dhammaadka maalinkasta
xasuusi naftaada, in aad
qabatay intii aad
awoodaysay, taasina ay wax
weyn tahay.
”
101
Fiiro gaar ah naftaydaay:
Ku gebagabee maalintaadi feker togan marwalba,
waayo si kasta oo xaaladuhu u adag yihiin, berri waxa
jirta fursad wax uun lagu hagaajin karo.
DHAMAAD
102
103